Manhajka waxbarashada PL oo Garowe looga doodey

Image
Image

January 24, 2015 (GO)- Kulan looga doodey turxaan bixinta manhajka cusub ee waxbarashada Puntland ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka Jaamacada Bariga Afrika ee Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, madaxda wasaarada waxbarashada iyo ergo 180 xubnood ka kooban oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland.

Shirka waxaa daah furey Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Maxamed Cali Faarax, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo turxaan bixin lahaa manhajka waxbarashada Puntland loona qiimeyn lahaa hadii ay jiraan waxyaabo u baahan in lagu daro ama ay tahay in laga saaro.

Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa isna sheegay in manhajkani yahay mid dhaxalgal ah, kaasoo diyaarintiisa waqti, maskax iyo dhaqaale badan la geliyey islamarkaana ay ka qayb qaateen diyaarintiisa khubaro badan oo dhanka waxbarashada ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa dhiirigeliyey dadaalka wasaaraddu ugu jirto in la helo manhaj waxbarasho oo dhameystiran kaasoo wax ka bedeli doona qaabka waxbarasho iyo mustaqbalka ubadka soo koraya.

Manhajka maanta laga doodey waxaa la diyaarinayey laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo la dejiyey qaab-dhismeedka manhajka waxbarasho ee hada lagu darso dugsiyada hoose, dhexe, sare ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM