Manhajka Waxbarashada PL oo lagu baaqay in la joojiyo

Image

GAROWE, Soomaaliya - Todobaadkii u danbeeyay waxaa si wayn usoo shaac baxay cabashada Manhajka waxbarashada ee dugsiyada sare ee Puntland.

20 bishaan golaha wasiirada ee Puntland ayaa joojisay in la dhigto maadada Taariikhda tan iyo inta dib laga saxayo khaladaadka kujira.

Maxay yihiin khaladaadku?

Qaarada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay iyada oo gobalada SSC-Khaatumo lagu daray maamulka Somaliland iyada oo taasi ay keentay carro ka dhalatay baraha Bulshada.

Sidoo kale waxaa ay falcelin bulsho ka dhalatay Astaamo kale oo dadka ka aragti dhiibtay qaybtood ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Akhlaaqda bulshada iyo dhaqankooda.

Dr Mustafe Cabdiraxmaan Maxamed oo ah bare jaamacadeed ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba manhajka la joojiyo lana xisaabtamo cida ka masuulka ah" Waxaan ku talinayaa in manhajkaan la joojiyo lana xisaabtamo cidii gabtay masuuliyadaas oo ay ugu horeeeyaan masuuliyiinta wasaarada waxbarashada".

Wasiir xigeenka waxbarashada Puntlanx, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa shaqadii ka joojiyay 21 bishaan Agaasimaha waaxda Tayadhawrka ee wasaarada, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo kamid ahaa saraakiisha wasaarada mudada kasoo shaqaynayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM