MAP oo sharci darro ku tilmaamtay shaqo joojinta VOA-da [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Shir jara'id oo mas'uuliyiinta ururka ku midaysanyihiin saxafiyiinta Puntland ee MAP ku qabteen magalada Garowe, ayay kaga hadleen waraaqda lagu xanibay shaqada Idaacadda VOA-da oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Maxamed Daahir Yusuf Salim oo ah madaxa tababarada MAP, ayaa warqadaasi ku tilmaamay inay tahay mid si sharci darro uga soo baxday xafiiska wasaaradda, isla markaana aysan waafaqsanayn sharciga iyo qawaaniinta u yaalla Puntland.

Saalim, ayaa wasaaradda warfaafinta ku eedeeyay handadaad ay kula kacdo saxafiyiinta Puntland, isagoo soo jeediyay in wixii khaldan lagu saxo sharciga.

Gudoomiyaha ururka, Faysal Khaliif Barre, ayaa dhankiisa sheegay in dadka la baro sharciga balse aan lagu hogaamin sharci darro, wuxuuna ugu baaqay hadii wasaaraddu haysato cadaymo ku aadan waxyaabaha lagu soo eedeeyay VOA inay la tagto maxkamad.

Arrintan ayaa timi  ka dib markii saaka wasaaradda warfaafinta Puntland soo saartay waraaq lagu joojinayo shaqada Idaacadda VOA-du ka hayso deegaanada Puntland, waxaana dowladdu ku eedaysay tabinta warar aan sal iyo raad lahayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM