Mareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha madaarka Diyaaradaha xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

DIGREETADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyay:

1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo garoomada Puntland ay si rasmi ah uga bilowdeen duulimaadyo joogto ah ayna ku imaanayaa diyaaradaha caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM