Mareykanka oo ammaanay doorashada Puntland xilli Villa Soomaaliya ka aamustay

Image
Safaarada Ameerikaanka ee Muqdisho ayaa soo dhaweysay in dadweyne ay doortaan xubnaha matalaya.

GAROWE, Puntland - Dawladda Mareykanka ayaa bogaadisay Doorashooyinkii goleyaasha degaanka ee ka qabsoomay gobolka Nugaal ee Puntland.

Safaaradda Ameerikaanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay farxad weyn tahay Kumanaan dadweyne oo codkooda kusoo doortay xubnaha metelaya ee golayaasha degmooyinka.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter ee Safaaradda ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya doorashooyinka qof iyo codka laga doonayo oo ay tahay in lasameeyo.

Dhanka kale, madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka aamusan, talaabada dadweynuhu codka kudhiibteen, xilli hogaanka Villa Soomaaliya sheegayaan in ay jecel yihiin qabashada doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM