Mareykanka oo Daacishta Soomaaliya duqeyn uga dilay sarkaal

Image

GAROWE, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in Sabtidii ay duqeyn ka geysteen buuraleyda Golis, gobolka Bari ee Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in ay weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen xubin ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya.

"Illaa iyo haatan ma hubno waxyeelo soo gaarey rayid, haddey soo baxaana waan baareynaa," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, shaqsiga la beegsaday ayaa wuxuu ahaa isku duwe, wallow aanan baahin magaciisa iyo muuqaalkiisa.

Baahintan ayaa waxay imaaneysa iyadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgalkaasi lagu naf-gooyey dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Kooxahan argagixisadda ah ayaa waxay ku kala sugan yihiin qaybo kamid ah degaanada gobolka Bari, halkaasi oo xiliyadda qaar uu dagaal ku dhex-maro.

Horaantii sanadkan 2019 ayey ahayd markii ay dagaalameen, iyaga oo iska dilay tobanaan maleyshiyaad, iskana burburiyey fariisimo iyo saanado hub ciidan.

Duqeynta lala beegsaday Daacishta Buuraleyda Puntland ku dhuumaaleysaneysa ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dhowaan hogaamiyahooda uu muuqaal kasoo muuqday.

Cabdiqaadir Muumin oo shaki la gelinayo xaaladiisa caafimaad kaasoo kooxdan aas-aasay sanadkii 2015-kii ayaa wuxuu horey uga soo goostay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM