Markab sida shidaal oo ku xirtey dekada magaalada Boosaaso

Image
Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company.

GAROWE, Puntland – Markab shidaal sida ayaa xalay ku xirtey dekada magaalada Boosaaso xilli qiimaha saliida degaanada Puntland uu sarre u kacay, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo ganacsatadda xarunta gobolka Bari.

Markabka oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa xeebaha Puntland ayaa habeenkii Jumcaha kusoo xirtay dekedda weyn ee Boosaaso, iyadoo halkaas ay buux dhaafiyeen booyadaha shidaalka sida ay muujiyeen sawirro uu baahiyay talefashinta dowladda Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana shidaalka iska leh ganacsato reer Puntland ah oo soo rartay.

“Waa laga baxay hubanti la’aantii shidaal waxaa dekada Boosaso ku soo xirtay markab sida shidaal farabadan," ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadda magaalada oo saxaafada la hadlay.

Sawirro laga soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa lagu arkayaa gaadiidka shidaalka oo isaga kala gooshaya halkaasi, waxayna bilaabeen in magaalooyinka kale u daabulaan shidaalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka bedasho shidaal yarida ka taagan deegaanada Puntland, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sarreysay gaaray.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Puntland laga soo wariyay shidaal yaradii uga darneed taas oo cabasho xooggan ka keeneen bulshada qaybaheeda kale duwan.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay aheyd mid mashquul ah, waxaana ka dhoofayey xoolo loo iibgeynayay wadamada Carabta. Shidaal yarada ka jirta caalamka ayaa loo tiiriyay dagaalka ka socda Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM