Marwada madaxweyne Deni oo yabooh siisay haweenka Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo ay weheliso Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Luul Yuusuf Xasan, ayaa Casho sharaf u sameysay Haweenka Puntland.

Kulanka Casho Sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Haweenka ee Dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland.

Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo khudbad kooban ka jeedisay kulanka ayaa dib u xasuusisay Haweenka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Puntland iyo sida ay lafdhabar Haweenku ugu yihiin Bulsho kasta.

Marwo Ijaabo ayaa waxay Haweenka uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen todobaadka Puntland iyo xuskii 1-da August.

Marwada Madaxweynaha ayaa Haweenka Puntland u sheegtay inay kala shaqeynayso wax ka qabashada tacadiyada haweenku la kulmaan.

Ugu Danbeyn, Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf ayaa soo dhoweysay Shirkii Haweenka Puntland ee dhawaan ka qabsoomay Garoowe iyo qodobadii kasoo baxay, Marwo Ijaabo ayaa bogaadisay dadaalka Haweenka ee wanaajinta iyo horumarinta Puntland.

Puntland

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM