Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo Aas Qaran loogu sameeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeenaya bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliya geerida AHUN Gen Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kadib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. Xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM