Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo Aad Qaran loogu sameeyay Garowe

Image
Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay duugta marxuumka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa ka qayb galay Aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Baarlamaanka 6-aad ee Puntland oo Ku geeriyooday shil gaari.

Sidoo kale waxaa ka qayb galay Aaska qaran Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor, Xildhibaano, Wasiiro, Suldaaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan, ehelka Xildhibaanka iyo Dadweyne badan..

Guddoomiyaha oo Aaska kadib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa ka Tacsiyeeyay geerida Ex-Xildhibaan Cali Tabliiq, wuxuuna Alle uga baryay marxuumka inuu janadii geeyo, ehelka, saaxiibada iyo guud ahaan Dawladda Puntland samir iyo iimaan ka siiyo, Amiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM