Mas'uul isku-casilay dhul-boob uu "hogaaminayo" duqa Garowe

Image
Agaasimihii waaxda dhulka Dowladda Hoose ee degmada Garowe, Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa shaqada ka tagay.

GAROWE, Puntland - Agaasimihii waaxda dhulka Dowladda Hoose ee degmada Garowe, Maxamed Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay, ayaa Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaaqay in uu iska-casilay xilkaas.

Maxamed oo jagadan ku fadhiya in ka badan muddo hal sano ah (13 bilood) ayaa shaqo ka tagidiisa ku sababeeyay dhul-boob uu sheegay in uu hormuud u yahay duqa caasimadda dowladda Puntland.

Kiiska sababay in uu go'aankan qaraar qaato ayuu ku tilmaamay dhul dan guud ah oo laga jaray muwaadin kuna yaala duleedka magaala madaxda oo duqa Garowe uu ka iibiyey xubno isaga aad ugu dhow.

"Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee degmada Garowe muddo laba jeer ah ayuu shaqo joojin 30-maalmood ah igu sameeyay marka uu arkay in aan hortaaganahay dhul-boobka uu waddo," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku waaniyey in uu soo farageliyo xatooyada lagu hayo hantida danta guud isla markaana uu soo diro Hanti-dhowraha guud.

"Waxaan diyaar u ahay in aan wixii caddeymo dukumiintiyo ah aan la wadaago cid walba oo u baahata - warbaahinta iyo waliba hanti-dhowraha guud ee Puntland," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Duqa degmada Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, ayaa illaa haatan ka jawaabin eedeymaha loo jeediyay. Isku-dayo xiriir oo xafiiskiisa ay la sameysay saxaafada madaxa-banaan ayaanan guuleysan.

Mr Geedi ayaa horey uga mid ahaa howlwadeenadda madaxtooyadda Puntland gaar ahaan xafiiska Deni waxaana loosoo wareejiyay maamulka caasimadda si uu u fuliyo qorshaha doorashooyinka lagu muransan yahay.

Magaalo madaxda Puntland ayaa golaheeda degaanka waxaa si sharci daro ah ku kala direy Madaxweynaha Puntland inta uusan wareegto ku magacaabin Duqa degmada Garowe. 

Geedi ayaa hadda isu caleemasaarey inuu Duqa degmada Garowe isugu sharaxo doorashooyinka lagu muran-san yahay ee golayaasha degaanka Puntland isagoo la sheegey inuu musharax ka yahay ururka siyaasadeedka Madaxweyne Dani ee Kaah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM