​Mas'uul katirsan Madaxtooyada Puntland oo dhaawacmay

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimaha maamulka Madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garowe, ayaa galabta goor gaaban ku dhaawacmay shir gaari oo ka dhacay duleedka caasumadda Puntland, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan dowladda.

 Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa Salaaddii Maqrib ka hor ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay agagaarka Kantaroolka Garowe xilli isaga iyo shakhsiyaad kale ay marayeen wadada dhinaceeda iyagoo luganaya.

Goob joogayaal ayaa cadeeyay in mas'uulkan iyo qof kale oo la socday uu ku ag rogmaday baabuur safar ahaa, waxaana soo gaaray dhaawac sahlan.

Dhaawaca Agaasime Cabdinaasir ayaa la gaarsiiyay  Cusbitalka  guud ee magaalada Garowe.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay mas'uuliyiinta dowladda.

Inta badan xilliyada galabtii mas'uuliyiinta dowladda ayaa socod jimicsi ah uga baxa caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM