Masuuliyiin ka tirsan shirkadda dhisaysa garoonka Garoowe oo yimi [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)-Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa xaqiijiyay imaansha Injineeradii dhisi lahaa garoonka diyaaradaha Garoowe oo qorshuhu yahay in la bilaabo dhawaan.

Wasiirka oo la hadlayay Radio Garowe waxa uu xusay inay yimaadeen niman ka tirsan Shirkadda dhisaysa garoonka kuwaasi oo uu sheegay inay qiimayn ku sameynayaa meeshii la dajin lahaa shirkadda iyo qaabka ugu haboon ee qalabkooda u soo raran lahaayeen.

Xasan Cadde waxa uu sheegay inay qaadan doonto dhismaha garoonka Garowe muddo ka yar sannad, waxaana dhismihiisa la bilaabi doonaa bisha soo socota.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana uu sheega in hawshu si fiican u socoto dhismihiisana la soo gaba-gabayn doono bisha December ee sannadkan. 

Dhawr jeer oo hore waxaa dib u dhacay mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garowe, waxaana dhawaan magalada Dubai lagu saxiixay qandaraaska dhismah garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM