Maxaa diiradda lagu saarey Shirka Gollaha Wasiiradda Puntland?

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Calii Gaas, ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay Kulanka todobaadlaha ah ee Gollaha Wasiiradda dowladda Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarey saddex qodob oo kala ah; amniga, Kobcinta Dakhliga dowladda iyo Wada-shaqeynta dowladda iyo Hay'adaha caalamiga ah.

Dhanka amniga, waxay Gollaha sheegeen in uu aad u wanaagsan yahay, iyagoo bogaadiyay Ciidamada howlgallada kawada gobollada Bari iyo Mudug, oo ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada.

Kobcinta Dakhliga, waxaa Shirka looga dooday sidii loo kobcin lahaa Dakhliga dowladda kasoo gala Canshuurta barriga, iyadoo hay'adaha bixiya qandaraaska loogu baaqay inay bixiyaan canshuurta.

Gollaha Xukuumadda waxay isla garteen in ay wada socdaan horumarka iyo xaaladda bini'aadanimo, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta Hay'addaha caalamiga iyo kuwa QM ee ka howlgala Puntland.

Shirkan Gollaha Wasiiradda maanta ayaa kusoo beegmaya xilli la xaliyey khilaaf u dhexeeyey Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM