Maxaa ka jira in Baarlamanka Puntland uu ka hadlay kordhinta muddo xileedka hay’adaha dowladda?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Muddo kordhin la sheegay in Golaha Wakiilada Puntland ay ka dooddeen ayaa saacadihii la soo dhaafay muran ka dhalisay Baraha Bulshada.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgalay warkaan ayaa ogaadey in guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ee shirka isugu yimid uu ahaa guddiga amniga.

Xogta ayaa sheegeysa in gudoomiyaha guddiga uu ka maqnaa shirka, sidaasi darteedna xubnaha kale ay dood ka yeesheen xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee Puntland.

“Guddiga uma fadhin goobta iney ka hadlaan arimahaan balse maadaama shirku naga baaqdey waxaan ka wada hadalnay xaalka ay Puntland ku sugan tahay, waxaana jiray xildhibaan soo hadal qaadey muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowlada,” Sidaas waxa Garowe Online u sheegey mid kamid ah xildhibaanada oo goobtaas fadhiyey.

Xogta ayaa sheegeysaa in xildhibaanka soo jeediyey hadalkaan aysan cidina la sii wadin, islamarkaana qorshaha meesha loo fadhiyay aanay ku jirin muddo kororsi.

Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisa ka dhiman yahay muddo ka yar afar bilood ayaa wararku sheegayaan in hubanti la’aan soo food saartey isaga iyo kooxaha siyaasadaha muddo kororsiga kula socda.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo diiday in magaciisa la xuso ayaa yiri:

“Waa suurtagal in gudoonka golaha ay hadalkaan aan ajindaha ku jirin u soo dhex mariyeen Xildhibaanka si uu meesha uga sheego.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM