Maxaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug?

Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo gabagabeeyay qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa sheegtay "in kulanka kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha"

"Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac, iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo," ayaa ayay raacisay.

Deni oo difaacay shirka labada maamul ayaa xusay in uu yahay mid "ku haboon maadaama ay deris yihiin" isagoo hoosta ka xariiqay in dastuurka KMG ah uu xeerinayo in maamulada iskaashi yeelan karaan.

Is-araggaan qabsoomay waxaa kasii horeeyay shirar kale oo gogol xaar ahaan, waxaana soo idlaaday wejiga koowaad, iyaddoo ay xigi doonan kulamo kale oo madaxda labada dhinac dhexmari doona.

Dhankiisa, Qoor-qoor oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiraan ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna xusay in uu ku faraxsan yahay natiijada kulanka.

Hogaamiyeyaasha ayaa rajeeyay in Gaalkacyo iyo guud ahaan Soomaaliya laga ciribtiri doono kooxaha argagixisada oo ay sheegeen in ay caqabad ku yihiin horumarka iyo dowladnimadda Soomaaliya.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka sokow in ay deris yihiin waxay isla maamulaan Gaalkacyo oo waqooyi iyo koonfur ay maamul u kala joogaan, kuwaasoo kawada shaqeeya xasiloonida, nabada iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM