Maxaa kasoo baxay shirkii Deni iyo gudoonka xeerdejinta Puntland?
GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni iyo guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah kahor furitaanka kulanka Golaha Wakiiladda ee loo balansan yahay Isniinta todobaadka dambe, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.
Sida ay muujinayaan xogta laga helay shirkan, Deni iyo guddoonka ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Puntland gaar ahaan kiiska garsooreyaasha Maxkamadda Sarre iyo geedi-socodka dimuqraadiyeynta.
"Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay guddoonka in uu mar kale golaha horkeeni doono garsooreyaasha Maxkamadda Sarre balse kalkan uu soo magacaabayo xubno cusub," ayuu yiri qof si dhow ula socda shirkan balse codsadey in la qariyo magaciisa sababo jira aawadeed.
Deni ayaa, sidda ay kusoo warameen illo xog-ogaal ah, wuxuu waydiistey guddoonka in lagala shaqeeyo hirgelinta doorasho qof iyo cod "oo sida uu isagu aaminsan yahay u uku qaban doono muddo lix bilood ah".
Xiriirka "xumaadey"
"Guddoonka wuxuu kulanka ka sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso in ay waqtigeeda ku dhacdo doorashadda madaxweynaha ee Puntland," ayuu tibaaxay qof kale oo kamid ah dadka u kuur-galay macluumaadka ku geedaaman is-araggan.a
Kadib dib-u-bilaabida kulamadda, baarlamaanka Puntland ayaa la rumeysan yahay in uu qorsheynayo talaabooyin uu kula xisaabtamayo xukuumadda uuna dhageysan doono warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo xilsaarey “ayna talaabo ka qaadaan mas’uuliyiin kala duwan".
Golaha Wakiiladda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay karkariyey dadaaladda ay kula xisaabtamayaan xukuumadda. Tani waxaa la aaminsan yahay in ay hoos u dhigtey cilaaqaadka iyo wadashaqeynta labada hay’adood.
Madaxweyne Deni ayaa meel fagaare ah wuxuu dhowaan ka sheegay "in dalka aysan xukumi karin koox kooban". Wallow uusan bixin fahfaahin kooban, haddana wuxuu yimid hadalkan xilli uu maalmihii dambe waqti badan geliyey sidii uu aragtidiisa qof iyo cod uga gadi lahaa dadweynaha caasimada Garowe.
Isbadalo siyaasadeed
Si uu ololahan u sii dardargeliyo, duqa magaala madaxda ayuu u magacaabay Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi oo ahaa agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyadda Puntland, waxaana uu badalay Axmed Saciid Muuse. XIl-wareejinta ayaana dhacdey Arbacadii shalay ahayd.
Guddoonka baarlamaanka ayaa, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo loo qaateen ah, waxay ka dalbadeen madaxweynaha in uu dajiyo xaaladda siyaasadeed ee degaanadda Puntland.
Madaxda ayaa inta badan waxay sameeyeen isbadalo siyaasadeed iyo shuraako siyaasadeed oo cusub marka uu waqtiga ka dhamaanayo si ay u xoojiyaan ololahooda dib-u-doorashadda.
Puntland oo ah maamulka ugu faca weyn dowlad goboleedyadda ka aas-aasan Soomaaliya ayaa ku suntan kan kaliya ee doorashadda madaxweynaha aysan ka dib-dhacin xilliga loo asteeyay iyo kan kaliya ee aysan ka dhicin muddo kororsi marka uu madaxda waqtiga ka dhamaado.
GAROWE ONLINE