Maxaa laga dheehan karaa Baaqii Deni iyo jawaab celintii Danab?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliyay muran xoogan ka dib baaq wadahadal oo u jeediyay mucaaridka, isaga oo sida uu hadalka u dhigay “cafis” u fidiyay Ciidamada Danab iyo hogaamiyehooda General Jimcaale Takar.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah cadaadiska beesha caalamka iyo baaqyada siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku aaddan in uu wadahadal la galo mucaaradka iyo sidoo kale Dowladda Federaalka.

Baaqa madaxweynaha ayaa loo arkaa mid uu ku doonayo inuu ku qaboojiyo carada shacabka ee ka dhalatay dareen la’aanta uu ka muujiyay cawaaqibta ka dhalan karta muddo kordhinta, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka ka falceiyay tallaabadan.

Isaga oo ku baaqay wada-hadal, haddana madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in mowqifkiisa ku aaddan doorashada uusan gorgortaan ka gali karin, taasoo ka dhigan in ay dhici karto wadahadallada in ay fashilmaan ka hor inta aan la billaabin.

Dallada Mucaaridka ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin casuumaada uu u fidiyay Madaxweynaha xilka ka degaya.

Dhanka kale, Ciidamada Danab ayaa sheegay in Deni uu yahay qofka laga doonayo in uu Cafis weydiisto Shacabka Puntland, iyaga oo ku eedeyay shiqaaqadii ka dhacday Garowe iyo Boosaaso.

Xaalada siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid kacsan, iyadoo ay shacabka isha ku hayaan sida ay uga falcelin doonaan mucaaridka baaqa madaxweynaha, kuna haminaya in xal laga gaaro caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM