Maxaa lagu xiray Wariye Jamac Deparani? [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Wariye Jamac Yusuf Deparani, ayaa horaantii bishan waraysi la yeeshay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocada, wuxuuna waraysigaasi uga hadlay arrimo ku saabsan siyaasadiisa iyo xaaladda Puntland.

Waraysiga Socade lala yeeshay oo ahaa mid isagu dalbaday, maadama Deparani waraystay Xildhibaan Saciid Samatar Surcad oo ka hadlay su'aalo la weydiyay madaxweyne Gaas oo qaybtood uu tilmaamay inuusan ku qancin.

Soocade oo waraysigaasi ka xifaaltamaya ayaa fursad laga siiyay barnaamijka Deparani Show, wuxuuna wasiirku sheegay inuu taageerayo maamulka Khaatumo isagoo wasiir ah hadii dagaal galayaana quriga uu qaadanayo.

Waraysigaasi ayaa hordhac hawada loo gashay ku saabsan waxa laga waraystay iyo jawaabaha uu baxshay, waxaana wasiir Soocade fuulay cadaadis ku saabsan inuu joojiyo waraysigan oo laga jaro wixii uusan munaasib u arkin, balse Deparani arrintaasi wuu ku gacan sayray, waxaana hawada galay waraysiga oo dhammaystiran.

Intaas ka dib wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa soo saaray waraaq shaqo joojin ku socodo wariye Jamac oo waraysiga ka qaaday.Qoraalkana kuma caddayn sababta keentay inuusan ku shaqayn mihnadiisa.

Jaamac arrintaasi uma hogaansamin wuxuuna sii watay shaqadiisa, isagoo waraysiyo kala duwan la yeshay mas'uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa oo ka hadlay xogo bulshada reer Puntland ka qarsoonayd.

Hadaba Agaasimaha Idaacadda Garowe Axmed Cawil Jaamac ayaa maanta nidaamka wariye Jaamac Deparani lagu xiray wuxuu ka diyaariyay warbixin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM