Mareykanka oo mashaariic horleh ka fulinaya degaanada Puntland

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxaa is-aragga ku wehliyey saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socday hay'adda USAID.

Deni waxaa dhinaciisa wehliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, Yamamoto iyo saraakiisha kale ayaa Deni kusoo booqday rugta uu ka degan yahay magaalada Nairobi.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wada-hadalada ay yeesheen diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Amniga.

"Si gaar ah, la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh," ayuu raaciyey bayaanka.

Horaantii bishaan Janaayo, 2020 ayay ahayd markii madaxweyne Deni iyo danjire Yamamoto ay ku kulmeen Boosaaso, iyagoo kawada xaajoodey siyaasada iyo horumarka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM