Mareykanka oo mashaariic horleh ka fulinaya degaanada Puntland

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxaa is-aragga ku wehliyey saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socday hay'adda USAID.

Deni waxaa dhinaciisa wehliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, Yamamoto iyo saraakiisha kale ayaa Deni kusoo booqday rugta uu ka degan yahay magaalada Nairobi.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wada-hadalada ay yeesheen diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Amniga.

"Si gaar ah, la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh," ayuu raaciyey bayaanka.

Horaantii bishaan Janaayo, 2020 ayay ahayd markii madaxweyne Deni iyo danjire Yamamoto ay ku kulmeen Boosaaso, iyagoo kawada xaajoodey siyaasada iyo horumarka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM