Maxaa sababey in Issimo muhiim ah ka maqnaadaan furitaanka dekada Garacad?

Image

GAROWE, (GO) - Wararka ay heleyso shabakadda Garowe Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah isimada Puntland, gaar ahaan kuwooda ugu miisaanka culus aysan soo xaadiri doonin xafladda furitaanka dekeda Garacad ee beri dhacaysa.

Dekeda ayaa waxaa xariga ka jaraya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo xafladda lagu casuumay madax ka kala socota dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira iyo xitaa madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar.

Isimada ka maqnaan doona waxaa ka mid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo gacan weyn ka gaystey hirgalinta mashruucaan, Boqor Burhaan Boqor Muuse, Islaan Ciise Islaan Maxamad, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax iyo isimo kale oo muhiim ah, kuwaas oo diidan  la kulanka madaxweynaha Puntland Deni oo dekeda furaya.

Xiriirka Deni iyo isimada ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaanayay, laga soo bilaabo dagaalkii ka dhacey magaalada Bosaso, xulistii xildhibaanada baarlamaanka iyo xurmo daro faro badan oo ay ka tirsanayaan mudadii uu xilka hayey Madaxweynaha Puntland.

Farogalinta uu dhaqanka ku sameeyay madaxweynaha ayaa gaartay heer beelaha qaar ay doortaan isimo cusub , halka kuwa kalena ay gebi ahaanba ku kala jabeen madaxdii dhaqanka sababo la xiriira farogalinta siyaasadeed ee timid.

Arinka kale oo laga yaabo inuu hareeyo xafladda furitaanka dekada Garacad ayaa waxaa kamid ah beesha Cabdi Ciise ee Cumar Maxamuud oo kamid ah Beelaha daga degaanka ay ka dhisan tahay dekada Garacad ayaa samesytey Garaad cusub oo ay meesha kaga saarayaan Garaadkii hore ( Garaad Maxamad Cilmi).

Garaadka la badaley ( Maxamad Cilmi) ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu kamid ahaa Issimadii Madaxweynaha Puntland gacanta ka siiyey in kuraasta xildhibaanda aqalka Barlamanka Federaalka aan waxba laga waydiin Issimada beesha Cumar Maxamuud iyo dhamaan waxgaradka gobolka Mudug.

Dekeda Garacad waxaa si iskaa wax u qabso ah ku dhisey shacabka, kuwaas oo kasoo qeybgalka isimada maqan ay micno weyn ugu fadhido.

Dhismaha dekadaan ayaa waxaa sidoo kale gacan wayn ka gaystey dowlada Puntland gaar ahaan xukuumadii Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo bilaabowdey mashruucaan.

Madaxweyne Dani ayaa mudadii xilkaan uu hayey ayaa waxaa uu faragalin ku sameeyey gudiyadii qaybta ka ahaa dhismaha dekadaan isagoo isku dayey in shirkado kale gacanta u galiyo maamulka dekada taas oo ay diideen dadka qaybta ka ahaa dhismaheeda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM