Maxaabiis ku xukumanaa dil iyo qaraxyo oo ka baxsaday xabsiga Galkacyo

Image
Ciidanka ilaalada saldhigga ayaa la xaqiijiyey inay ku guulaysteen qabashada 8 kamid ah maxaabiista.

GAROWE, Puntland - Afar kamid ah rag maxkamadaha Puntland horay ugu heleen dembiyo isugu jira dilal, qaraxyo iyo kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka baxsaday saldhig gaar ah oo kuyaal Bariga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidanka ilaalada saldhigga ayaa la xaqiijiyey inay ku guulaysteen qabashada 8 kamid ah maxaabiista doonaysay inay baxsadaan halka afarta kalena ay fakad kayihiin gacanta laamaha ammaanka oo aan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyey jiritaanka shaqsiyaad ku lug leh baxsashada raggaasi oo uu dowladda ugu baaqay in loo ciqaabo falkaan oo mid lamid ah Galkacyo ka dhacay 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM