​Maxaabiista Al shabaab laga qabtay oo Garowe la keenay [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa caawa si diiran loogu soo dhaweyay magalada Garowe caasumadda Puntland ciidamada qalabka sida ee kusoo guulaystay howlgalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee dhawaan deegaano katirsan gobolka Nugal soo galay.

Ciidanka ayaa sidoo kale waday maxaabiis katirsan kooxdaasi, waxaana loo gudbiyay xabsiga iyadoo halkaasi ugu tagay Warsidaha GO oo kasoo qaaday Sawirro iyo muuqaalo kooban oo ka hadlaya sababaha ku kallifay inay mallayshiyada ku biiraan.

Maxabiista uu Garowe Online la kulmay, ayaa dhammaantood ka yaraan da'da 20 marka laga yimaado tiro aan toban gaarin, waxayna dhammaan sheegayaan in lasoo khalday islamarkaana qaybtood yiraahdeen waxbarasho ayaa naloo ballan qaaday sidaas ayaana kusoo tagnay.

Da'yarta ayaa qaybtood mallayshida Shabaab kujiray in kabadan 2 sano, kuwaasi oo ku xeeldheeraday dagaalka, waxayna warsidaha u xaqiijiyeen inay ridi karaan islamarkaana ku dagaallami yaqaan qoryaha cul-culus qaybtood.

Dhinaca kale, waxaa xabsiga daryeel caafimaad loogu yameeyay xubno mallayshiyada katirsan kuwaasi oo qabay dhaawacyo kala duwan oo qaybtood aad u liidato.

Mallayshiyadan ayaa dhammaan isku raacay inay ka yimaadeen gobollada Koonfureed sida; Baay, Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan, waxayna tilmaameen inay doonyo kasoo raaceen deegaanka Xarar-dheere iyagoo tibaaxay inay ahaayeen ilaa Afar dooni oo hubaysan, waxayna intaasi raaciyeen inay soo habowday doontan kusoo xiratay deegaanka Garmaal iyagoo sheegay inay qayb ka ahaayeen kuwa xirtay Garacad siday noo xaqiijiyeen mallayshida uu Warsidaha Garowe Online la kulmay.

Arrintan ayaa aad loo soo dhaweeyay, waxaana magalada Garowe ka dhacay dabaal dag xooggan oo niyadda ciidanka lagu dhisayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM