Madaxweynihii hore ee Puntland oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland kana mid ahaa aas-aasayaashii maamulkan ka tirsan federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa xalay ku geeriyooday caasimada Kenya ee Nairobi.

Inkasta oo aan wali la shaacin sababta dhabta ah ee keentay geeridiisa, marxuumka ayaa waxaa la filayaa in la aaso saacadaha soo aadan.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha talada haya ee Puntland, ayaa ka tacsiiyey geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa," ayaa la raaciyey qoraalka.

Maxamed Cabdi Xaashi oo sidoo kale ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland ayaa xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1998-2004.

Xilka madaxweynaha ayuu hayey muddo lix bilood oo ah 10, Oktoobar, 2004 ilaa 8, Janaayo, 2005 markii AUN Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xigeen u ahaa uu baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha dalka.

Marxuumka oo kamid ahaa bud-dhigeyaashii dimuqraadiyada iyo xil-wareejinta xasilooni kadib doorashooyinka ayaa aas-aaskii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ka hor wuxuu ahaa guddoomiyihii xisbigii loo yaqiinay USP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM