Maxamed Cabdi Xaashi oo Aas heer Qaran ah loogu sameeyay Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa Arbacada maanta ah waxaa Aas heer Qaran loogu sameeyay magaala madaxda maamulka, Garowe.

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, Senator Cabdiraxmaan Faroole ahna madaxweynihii hore ee Puntland, guddoonka golaha wakiilada, wasiiro, taliyeyaal iyo mas'uuliyiin ayaa ka qeybgalay.

Madaxda oo salaada janaasada ku tukaday marxuumka ayaa ALLE uga tuugay in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa iyo in uu qabrigiisa u waasiciyo una fududeeyo su'aasha qabriga.

Marxuumka ayaa todobaadkan ku geeriyooday waddanka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi, halkaasoo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey isla markaana lagula tacaalayey.

Diyaarad qaas ah oo ay ku wehliyeen xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka kasoo qaaday Nairobi isla markaana kasoo dejisay garoonka diyaaradaha caasimadda dowlada Puntland.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa soo qabtay xilalka madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay tan iyo markii la aas-aasay maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii Puntland, oo ah maamulkii ugu horeeyay ee guud ahaan geyiga Soomaaliya lagu yag-leelay hanaanka ku dhisan federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM