Maxamed Cabdiqaadir oo beeniyay eedaynta dowladda Gaas

Image

October 26, 2014 (GO)- Agaasimihii hore ee wasaradda Deegaanka Puntland Maxamed Cabdiqaadir Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedaynta dowladda Gaas usoo jeedisay dowladdii ka horaysay ee Cabdiraxmaan Farole.

Maxamed Cabdiqaadir oo shir jaraa'id ku qabtay magalada Garowe ayaa tilmaamay inuusan waxba ka jirin eedaynta ah in dowladdii hore 14-malyan oo deyn ah uga tagtay taasoo uu sheegay inaysan waxba ka jirin oo cadadka lacagta deynta ah ay gaarayso hal-malyan iyo boqol kun oo doolar.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa furitaanka kalfadhiga gollaha Baarlamaanka ka jeediyay in musuq maasuq iyo deymo faro badan uga tagtay dowladdii ka horaysay taasoo keentay in siyaabo kala duwan looga hadlo.

''Puntland caado waxaa u ahayd dowladda kasta oo ka dhalata saddexda sano oo hore mushaharooyinka way bixin jireen, balse ma dhicin dowlad sanadkii ugu horeeyay mushaharooyinkii gabtay,Ciidanka qalabka sida shan bilood ayaa mushahar ka maqan bishii tobanaad-na waa lagu jiraa, haddii ay howlihii gabtay ma ahan in dowlad soo shaqaysay shan sano ku xoqoto''.

Mashaariicda socota ayuu sheegay Maxamed Cabdiqaadir inay ka tagtay dowladii hore taasna ay cadayn u tahay inaysan dowladani wax badan oo hormar ah la imaan.

Madaxwayne Gaas ayaa dhowr jeer oo hore ku celiyay inuu xilka la wareegay Puntland oo daymo faro badan lagu lee yahay iyo mamul xumo ka muuqatay mamulka maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM