Maxay salka ku haysaa booqashada Gaas ee dalka Sacuudiga?

Image
Image
Image
Image

RIYADH- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa wararka laga helayo sheegeyaaninuu ku sugan yahay magaalo madaxda dalkaas ee Riyadh.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa salka ku haya kulan uu dalkaas kula qaadanayo nin dhalshdiisu tahay Suucuudi oo kamid ah Tijaarta dalkaas kaasoo magaciisa la yiraahdo Waliid Binu Dalaal iyadoo wararka GO soo gaaraya xusayaan in uu ninkaan marti u yahay.

Lama oga arimaha rasmiga ah ee Madaxweyne Gaas kala hadlayo ninkaas ganacsadaha ah balse warar aan la xaqiijin ayaa xusaya inuu waydiisanayo mashruuc lagu maalgaliyo dekada laga dhiso tuulada Garacad gobolka Mudug oo dhacda Badweynta Hindiya.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee wadanka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay iney ka soo shaqeeyeen shaqsiyaad uu kamid ah u qaybsanaha ganacsiga safaarada Somalia ee dalka Sucuudiga Cali Xaaji iyo xubno kale oo u dhuundaloola xiriirada dadka maalqabeenka ah.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa safarka ku weheliya wasiirka dekada Puntland iyo xubno kale oo ganacsato ah.

Dhinaca kale waxaa habeenkii xaley 24 April magaalada Riyadh ku kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif oo la rumeysan yahay inuu hadda u taagan xilka Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah kaasoo doorashdiisu dhaceyso dabayaqada sanadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in 24 sac ee soo socda la kulmo jaaliyada Somalida ee ku sugan dalka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Riyadh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM