Maxay ka wada hadleen Dalladda Mucaaradka & Safiirka Ingiriiska?

Image
Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay.

GAROWE, Soomaaliya - Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay dallada mucaaradka Puntland iyaga oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo xal u helidda xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay hormuudka ka yihiin Beesha caalamka la iskuna soo dhaweynayo mucaaradka iyo maamulka talada haya uu hogaaminayo Madaxweynaha xilka kasii degaya Siciid Cabdullahi Deni.

Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay inuu ku adkeysto qabsoomida doorashada lagu muransan yahay ee Qof iyo Cod.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa shalay muujiyey sida ay uga go’an tahay wadahadallada, iyaga oo dib u dhigay magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa waxa kale oo ay ku guuleysteen in Caasimadda Garowe laga saaro ciidamada ka soo horjeeda doorashada Deni, si fursad loo siiyo daxdhaxaadinta ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo iyo Beesha Caalamka.

Talaabooyinkaas uma horseedin Madaxweyne Deni inuu wax ka bedelo ajandahiisa siyaasadeed ee halka dhinac ah.

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha, mucaaridka ayaa la filaya in ay joojiyaan tanaasulka oo ay horey u dhaqaajiyaan doorasho barbar socota tan madaxweynahu doonayo si uu dalka u gelin firaaq dastuuri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM