Maxay ka wada hadleen Dalladda Mucaaradka & Safiirka Ingiriiska?

Image
Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay.

GAROWE, Soomaaliya - Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay dallada mucaaradka Puntland iyaga oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo xal u helidda xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay hormuudka ka yihiin Beesha caalamka la iskuna soo dhaweynayo mucaaradka iyo maamulka talada haya uu hogaaminayo Madaxweynaha xilka kasii degaya Siciid Cabdullahi Deni.

Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay inuu ku adkeysto qabsoomida doorashada lagu muransan yahay ee Qof iyo Cod.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa shalay muujiyey sida ay uga go’an tahay wadahadallada, iyaga oo dib u dhigay magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa waxa kale oo ay ku guuleysteen in Caasimadda Garowe laga saaro ciidamada ka soo horjeeda doorashada Deni, si fursad loo siiyo daxdhaxaadinta ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo iyo Beesha Caalamka.

Talaabooyinkaas uma horseedin Madaxweyne Deni inuu wax ka bedelo ajandahiisa siyaasadeed ee halka dhinac ah.

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha, mucaaridka ayaa la filaya in ay joojiyaan tanaasulka oo ay horey u dhaqaajiyaan doorasho barbar socota tan madaxweynahu doonayo si uu dalka u gelin firaaq dastuuri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM