Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha dib loo doortay iyo musharaxiintii madaxtinnimada Puntland?

Image
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka Puntland.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay lmusharraxiinta u taaganaa xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii si nabad ah ay ku soo dhamaatay doorashada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa ku yiri: “Waxaan maanta Qasriga Madaxtooyada kulan Qado iyo is xogwareysi ah kuwada qaadanay
Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 2024-2029.”

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka Puntland ka dib doorashada, waxayna ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii Puntland loo gaarsiin lahaa horumar.

Kulankan ayaa fursad u ahaa labada dhinac si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay xaqiijinta mustaqbalka wanaagsan ee Puntland, sida ay ku dhawaaqeen qaar ka mid musharaxiinta ka qeyb galay kulanka.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ay dib u doorteen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ka dib doorasho muran badan dhalisay, taas oo la filayo in ay qaabeeyso masiirka Puntland sanadaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM