Puntland iyo Finland oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda magaaladda Garowe ayaa waxaa qayb ka ahaa mas'uuliyiin ay quseyso qodobadda ay kawada hadleen.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Deni, dhinacyadda ayaa isla soo qaadey xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Sidoo kale, waxay kawada xaajoodeen mashaariicda horumarineed ee Finland ka taageerto Puntland, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.

Isagoo kulanka kadib u waramaya warbaahinta, Deni oo sheegay in Finland ay taariikh u leedahay caawinta Soomaaliya ayaa dajiraha kaga mahadceliyey socdaalka.

Erik Lundberg ayaa intii uu ku sugnaa magaalo madaxda dowladda Puntland wuxuu ka qeybgalay furitaanka shirka qurbe-joogta Soomaaliyeed ee Finland.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, diblumaasiga ayaa balanqaaday in ay joogteyn doonan ka qeyb-qaadashadda soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM