Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?
GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu uusan aqbali doonin wax faragelin ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameyso amniga Puntland, isagoo sheegay in ciidamadda Puntland ay diyaar u yihiin difaaca deegaankooda iyo shacabkooda.
Khudbad uu ka jeediyay munaasabaddii 1-da Luulyo ee ka dhacday xalay magaaladda caasimadda ah ee Garoowe, Deni wuxuu sheegay in Puntland aysan u baahnayn ciidamo ay dowladda federaalku keento, maadaama amniga deegaannada Puntland uu yahay mid sugan.
"Wixii faragelin ah ee dhinaca amniga ah Puntland ma aqbali doonto," ayuu yiri Deni, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dayeyso inay wiiqdo xasilloonida iyo horumarka Puntland, iyadoo malleeshiyaad ka qoranayso deegaano dhowr ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay difaaci doonaan amniga iyo madaxbannaanida maamulka haddii ay dhacdo isku day kasta oo lagu faragelinayo arrimaha amniga oo Villa Somalia sameyso.
Deni wuxuu ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud inay ku xadgudubtay dastuurkii lagu heshiiyay, wiiqday nidaamka federaalka, isla markaana adeegsatay ciidamada qaranka dano siyaasadeed.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ilaashadaan midnimadooda kana feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay "dacaayado iyo qorshayaal lagu qalqalgelinayo bulshada."
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo maamulka amniga.
GAROWE ONLINE