Maxay tahay ujeedada booqashada RW Cumar ee PL? [DHEGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image

July 13, 2015 (GO)- Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Garowe soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ra'isal Wasaaraha oo isaga iyo Madaxweynaha Puntland si wadajir ah saxaafadda ula hadleen wuxuu sheegay in booqashadiisu salka ku hayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Mudane Cumar Cabdirashiid wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in mad-madowga jira la sixi doono islamarkaana wax walba guul iyo is-afgarad ku soo dhammaan doonaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ka sugeyso Ra'isal Wasaaraha inuu jawaabo waafi ah ka siiyo waxyaabaha ay ka tabaneyso Dowladda Federaalka ee horseeday in xiriirka labada dhinac soo xumaado.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in xarunta madaxtooyada ee Garowe uu ka furmo kulan saddex geesood ah, kaasoo dhex mari doona Ra'isal Wasaare Cumar iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shirka Muqdisho

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa la filayaa inuu ka codsan doono madaxda dowlada Puntland iyo Jubaland iney kasoo qayb galaan shirka maamulada iyo dowlada Federaalka oo la filayo bishaan dabayaaqadeeda in lagu qabto Muqdisho.

Shirkaan ayaa tan iyo markii uu bilowdey madaxweyne Gaas 2014 kaga qayb galey Muqdisho Viila Somalia halka magaalo madaxda Garowe lagu qabtey wajiigiisi labaad kaasoo lagu gaarey go'aamo aysan waxba ka fulin.

Madaxweynaha Somalia oo qorshe siyaasdeed ka leh qabshada shirkaan madaama doorashada 2016 soo socoto ayaa damacsan inuu xaliyo khilaafyada maamuladaan intaan la gaarin waqtigaas.

Mudane Cumar Cabdirashid oo degaan ahaan kasoo jeeda maamulada diidan la shaqeynta dowlada Federaalka ayaa culeys weyn waxaa uu ka haystaa magaalada Muqdishu iyadoo ay ku adkaatey inuu mowqif rasmiya ka qaato xalinta khilaafaadka taagan.

Maamulka cusub ee lagu muransan yahay ayaa la filayaa inuu kasoo qayb galo wajiga sadexaad ee kulankaan iyadoo waftiga maamulkaas uu hogaamin doono madaxweynaha dhowaan la doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM