Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwad dib u dhigtey

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda sare ee Puntland ayaa saaka oo khamiis ah u fariistay dhagaysiga kiiskii 8 Xildhibaan ay dhowaan xasanada kala noqdeen golaha wakiilada Puntland.

Dacwadda ayaa waxaa dhinac ka ahaa Gar-yaqaanka Guud ee Dawladda Puntland iyo qareenadda ay qabsadeen Xildhibanadii ay xasanada ka xayuubiyeen Baarlamaanku Dabayaaqadii todobaadkii tagay.

Maxkamadda Sare ayaa ogolaatay codsi ay soo jeediyeen Qareenada oo ahaa in la siiyo fursad ay dacwadooda kuso dhamaystirtaan.

Maxkamada ayaa mar kale mudaysay kiiska waxaana dib loo dhagaysan doona Maalinka Sabtida oo ay taarikhdu tahay 12  December 2020.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM