Maxkamadda sare Puntland oo go'aan ka gaartay dacwadda golaha deegaanka Bosaso

Image

25 November, 2015(GO)-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta go'aan ka soo saartay dacwadda la xiriirta dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso oo waxgarad iyo murashax u taagnaa jagada duqa, ka soo gudbiyeen eedaymo ka dhan ah qaabka lagu soo xulay xildhibaanada.

Arrintaasi ayaa keentay inay gaarto maxkamadda sare ee Puntland waxaana laba jeer oo hore loo fariistay kiiskaasi, waxaana markii ugu dambaysay maxkamaddu go'aamisay inay go'aan ka gaari doonto waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Qoraal maanta soo baxay ayaa maxkamadu ku shaacisay inay go'aan ka gaartay dacwadda, waxayna soo bandhigtay saddexdan qodob oo hoos ku xusan.

1. Waxay ka saartay oo wax kama jiraan ka dhigtay xumnaha saa'idka ku ah 27-ka xubnood oo sharciga ah ee golaha deegaanka degmada Bosaso

2.Waxay ka saartay xuminimadii golaha deegaanka Cilmi Cumar Cilmi oo shaqaale ka ah wasaaradda maaliyadda Puntland

3. Waxay tuurtay Cabashooyin kale oo ay keeneen dhinaca cabanaya

Go'aanka maxkamadda ka dib, waxaa saxaafadda la hadlay Cumar Sadiiq oo u sharaxnaa gudoomiyaha golaha deegaanka Bosaso, balse isu casilay musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyay soo xulista xildhibaanada, ayaa sheegay inaysan maxkamaddu go'aamin waxybaaha ay filayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM