Maxuu salka ku hayaa muranka doorashada duqa degmada Bosaso?
Sept 30,2015 (GO)- Waxaa magaalada Bosaso lagu wadaa in saaka ka dhacdo doorashada duqa degmada Bosaso kadib markii maalintii shaley Sept 30,2015 la dhaarshey xubnaha golaha degaanka ee xarunta ganacsiga dowlada Puntland.
Guddiga xukuumada Puntland u xilsaartey xalinta khilaafyada beelaha daga degmadaas ayaa waxaa lagu eedeynayaa faraglin ay ku sameeyeen qaabka beelaha u soo doorteen xubnahooda.
Odyaal isugu yimid maalintii shaley kulan ka dhacey Hotel Gaceyte ayaa ku eedeeyey xukuumada Gaas iney faragalin ku sameeysay xulashada xubnaha ka socda qabaa'ilada kuwasoo kamid noqon lahaa golaha degaanka.
Dhinaca kale musharaxa lagu magacaabo Cumar Sadiiq ayaa ku goodiyey inuu isaga baxayo ka qayb galka tartanka doorashada duqa magaalada Bosaso isagoo sheegey iney jirto faragalin xukuumada ku sameysay xulista xubnaha golaha degaanka halka uu codsadey in dib loo dhigo codbixinta lagu wado iney saaka ka dhacdo Bosaso.
Ka bixista musharaxaan doorashada ayaa ka dhigeysa in xilkaan u tartamo oo kaliya nin lagu magacaabo Yasiin Mire Maxamud oo ah qof ku cusub siyaasada Puntland islamarkaana da' yar.
Qaabka doorashada u dhaceyso ayaa sidoo kale cabasho ka jirtaa iyadoo wararku xusayan iney noqoneyso mid gacan taag ah taasoo ka duwan qaabkii ay uga dhacdey codbixintii magaalooyinka kale ee Puntland bilihii la soo dhaafey.
Wasiirka amniga Puntland ayaa u sheegey saxaafada in qaabka u dhaceyso doorashada aysan go'aamin guddiga khilaafaadka xukuumada balse xildhibanaada golaha degaanka cod u qaadeen maalintii shaley.
Warar ayaa sheegaya in magaalada sakaa lasoo dhoobey ciidamada amaanka kadib markii dad diidan doorashada ka dhaceysa Bosaso xaafadaha qaarkood taayiro ku gubeen.
Muranka doorashada ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha dowlada Puntland ku guuldareystey in gudoomiyahii KMG ah ee degmada Bosaso ka waayo xubintii golaha degaanka beesha uu ka dhashey. Halkan ka akhri.
Maxamad Siciid Shabeele oo ahaa gudoomiyaha KMG ah ee degmada Bosaso ayaa kulankii hotel Gaceyte lagu qabtey maalintii shaley waxaa ka qayb galey inta badan odoyaashii beeshiisa ee looga adkaadey magacaabista xubintiisa halka beelaha qaar oo horey balanqaad uga haystey madaxweyne Gaas goob joog ahaayeen.
Ugu dambeyntii waxaa shaki ku jirin in xukuumada Gaas lug wayn ku leedahay qaabka doorashada uga dhaceyso saaka magaalada Bosaso taasoo sababi karta hadii sida kale natiijadu noqoto mid kacdoon siyaasadeed oo aysan tabar u hayn la kulanta.
Madaxweyne Gaas oo laga filayey inuu ka hirgaliyo Puntland nidaamkii dimoqaraadiyada oo badali lahaa hab qaybsiga beelaha ee hadda jira ayaa sida muuqata ku guuldareystey hirgalinta barnaamijkaas.
Mudane Gaas oo kamid ahaa siyaasiyiintii is-hortaagtey in nidaamka ka hirgalo Puntland sanadkii 2013 ayaa markii uu ku guuleystey doorashada sanadkii 2014 balan qaadey inuu bilaabi doona muddo sanad gudihiisa ah taabo-galintiisa.
Warsidaha GAROWE ONLINE kala soco natiijada doorashada duqa magaalada Bosaaso oo ka dhaceysa saaka xarunta jamaacada bariga Afrika.