Mayor ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo oo Garowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Gudoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo, Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa caawa lagu xiray magaalada Garowe, kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Taliska qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa xabsiga u taxaabay Yacquub, iyadoo aysan jirin eed lagu soo oogay.

Xariggan ayaa yimi saacado kadib markii saxaafaddu baahisay shir jaraa'id oo Yacquub uga hadlay tallaabooyin madaxweyne Gaas ka sameeyay gobolka Mudug kuwaas oo ku tilmaamay in madaxweynuhu u maray qaab qabyaaladaysan.

HALKAN KA DHAGEYSO WARSAXAFEEDKA KU-XIGEENKII HORE EE GOBOLKA MUDUG KU QABTEY MAGAALADA GAROWE

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda kaas oo ku aadan xarigga loo gaystay Mayor ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo.

Xariggan ayaa saamayn ku yeelan doono Barnaamij Yacquub uu kawaday warbaahinta Radio Garowe, kaasoo loogu gurmanayay Maasaajiadda, waxaana barnaamijkan oo maalin kasta soo galayay inta lagu jiray bisha Ramadaan lacag loogu uruurinayay sidii Baydka ALLE dayactir loogu samayn lahaa.

Maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda Puntland Xabsiga dhigto siyaasiyiin dhaliilay siyaasadda madaxweyne Gaas, waxaana arrintan kusoo aaday xilli warbaahinta Radio Daljir hawada uga maqnayd muddo dhan 12 bari sifo sharci darro ah iyo xarig laga soo amray dhinaca madaxtooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM