​Mayor ku-xigeenkii hore Galkacyo oo iibsaday xukunka maxkamadda [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe mar kale la isugu yimi kiis la xiriira dacwadda loo haystay Guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla kaasoo dowladdu ku qabsaday shir jaraa'id oo ku dhaliilay siyaasadda madaxweyne Gaas.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugal, ayaa dhagaysi iyo difaacis kadib go'aan ka gaartay kiiskaas, waxayna meesha ka saartay inuu jiro dambi ah aflagaado madaxweyne taasoo xeer ilaaiyaha gobolku sheegay inuu ku kacay Yacquub Maxamed Cabdalla, waxayn taas badalkeeda tilmaamtay in dastuurku dhigayo in hogaamiye la dhaliili karo muwaadinku xaq u leeyahay.

Balse, waxay sheegtay in Yacquub uu ku lug yeeshay qodobka ah kicin dadweyne, waxayna ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay 4 bilood kaasoo ka qaadan karo Racfaan ama iibsan karo.

Mayor ku-xigeenkii hore Galkacyo ayaa ugu dambayn gaday xukunkiisa, wuxuuna dib u helay xorriyaddii ka maqnay ilaa 5-tii bishan.

Warbaahinta ayuu la hadlay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay tallaabada maxkamaddu qaaday, balse uu taaganyahay mowqifkiisii isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu saxo wixii ka khaldan, haddii kale la dhaliili doono maadama uu isagu horay u ballanqaaday inuusan qofna ku caburin doonin fikirkiisa.

Sii daynta Yacquub ayaa kusoo aadaysa Xilli la dhisayo golaha deegaanka degmadaasi oo kasoo mid noqday xubnihii lakala diray, waxaana dhaliisha lagu xiray soo jeediyay xilli madaxweyne Gaas isbadal ka sameeyay gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM