Meydka Gabar 12 jir ah oo la raadinayay oo laga helay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dil naxdin leh ayaa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qeybta ah maamusho Puntland, kaasi oo loo geystay Gabar yar, oo 12 sano jir ahayd.

Meydka Caasho Ilyes Aadan, oo la weysanaa tan iyo shalay, islamarkaana waalidiinteeda baadi-goobayeen ayaa saaka lasoo dhigay banaanka Gurigeeda, oo ku yaalla waqooyiga magaaladda Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, qeybta Puntland, Axmed Cismaan Cali ayaa u sheegay BBC-da in Gabadha loo geystay Kufsi iyo Jirdil kahor inta aan la dilin.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dhowr qof u qabteen dilka Gabadha, kuwa kalena ay ku raadjoogaan.

Meydka Caasho ayaa la dhigay Isbitaal, iyadoo ay dhaqaatiirtu baarayaan calaamado jirdil ah, oo ka muuqday jirkeeda.

Sikastaba, laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan kiiskan ku aadan.

Caasho ayaan dib ugu laaban Gurigeeda markii ay kasoo laabatey Iskuulka maalintii shalay, waxaana la sheegay in koox aan la garaneynin afduubeen, kuwaaso kufsi iyo dil kula kacay. 

Dhacdadan argagaxa leh, ayaa si aad ah looga falceliyay baraha bulshada, waxaana lagu tilmaamay mid ka baxsan Diinta Islaamka, Bini'aadanimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM