Midowga Yurub oo caddeeyay mowqifkiisa safarka Deni ee Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu taageersan yahay socdaalka la filayo in uu madaxweynaha Puntland ku tago Muqdisho iyo magaala madaxda maamul goboleedyada waddanka.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa mowqifkaas ku shaaciyey bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Danjiraha ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xili uu ka falceliyey qoraalkii Qaramada Midoobay kasoo saartey booqashada aan wali la muddeyn.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo bogaadisay talaabada Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtey in ay isha ku hayn doono natiijada kasoo baxda wadahadalada aan la shaacin goorta ay dhacayaan.

"Wafdiga Midowga Yurub wuxuu taageersan yahay war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay," ayuu diblumaasiga u dhashay Spain ee Berlanga ku bilaabay.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan si adag u aaminsanahay in marka la isku daro mabaadi'da is-maqalka iyo isku tanaasul ay tahay qaabka ugu fiican ee looga gudbi karo ismaandhaafka siyaasadeed".

Deni oo meesha ka saarey in safarkiisa Muqdisho uu yahay wadahadalo uu la gelayo Villa Soomaaliya ayaa xusay in uu daaran yahay gogashii ay Puntland u fidisay madaxda dowlada iyo maamulada.

Martigelinta wadaxaajoodyaddaas oo lagu lafa-guri doono mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya ayuu ku dhawaaqay kadib gabagabada Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Taageerada saaxiibada caalamka u muujinayeen socdaalka qorshuhu yahay in uu Deni ku tago Muqdisho iyo xarumaha maamulada ayaa kusoo aadeysa xili Dowlada federaalka Soomaaliya ay dhankeeda soo dhaweysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM