Miisaaniyada dowladda Puntland ee 2023 oo la meelmariyey

Image
Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Karaash ayaa lagu ansixiyey.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Sida ay shaacisay Madaxtooyada, kulanka ayaa oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2023, Mashaariicda Bangiga Adduunka, Hay’adda baarista Hidda-sidaha, dardargelinta Doorashooyinka iyo warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Shirka Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023 taasi oo dhan $376,699,825, iyada oo boqolayda kororku yahay 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM