Miisaaniyadda PL ee sanadka 2015 oo maanta Barlamanku ansixiyey

Image

December 17, 2014 (GO)- Xildhibaannada Barlamanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey miisaaniyadda dowlada ee sanaka 2015.

51 xildhibaan oo kamid ah 55 fadhigii maanta soo xaadiray ayaa ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyada oo ah $60, 182, 159 (lixdan milyan, boqol siddeetan iyo labo kun; boqol konton iyo sagaal). 

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 miisaaniyaddii dowladu kusoo shaqeysey ayaa ahayd $29, 474, 476.83 (labaatan iyo sagaal milyan, afar boqol todobaatan iyo afar kun; afar boqol todobaatan iyo lix; dhibic sideetan iyo saddex).

Wasiirka maaliyada Shire Xaaji Faarax oo kororka ku yimid miisaaniyadda xildhibaanada Barlamanku todobaadkii hore wax ka weydiiyeen, wuxuu sheegay in kororka miisaaniyadda sabab u yihiin dakhliga dowladda iyo deeqaha caalamka laga filayo oo kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM