Mooshinka afhayeenka baarlamaanka Puntland oo cod loo qaadayo

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wakiiladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah kulan xasaasi ah ku leh magaaladda caasimadda ah ee Garowe. Fadhiga waxaa xaadir ku ah 53 Xildhibaan.

Ajendaha shirka ayaa la sheegayaa in uu yahay ka doodista iyo cod u qaadista mooshin xilka ka xayuubin ah oo laga keenay afhayeenka golaha.

Soo jeedinta ka dhanka ah Cabdixakiim Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu waramayaa in ay saxiixeen 44 Xildhibaan.

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ku xigeenka koowaad ee xeer-dejinta, ayaa xaqiijiyey in uu qabtay Mooshinka, wuxuuna shaaca ka qaadey in uu horgeynayo fadhiga.

Mr Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa laga soo xigtay in hanaanka loo maray Mooshinka "uu waafaqsan Dastuurka iyo sharciga".

Sharcidejiyeyaasha ayaa loo diray fariimo, waxaana lagu wargeliyey in uu qabsoomo fadhigii caadiga ahaa ee maanta, taas oo meesha ka saarey fasax uu iclaamiyey Dhoobo.

Dhooba Daareed ayaa horey u balanqaaday in uu u hogaan-sami doono go’aan walba oo baarlamaanka kasoo baxa.

Ciidamadda ammaanka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u maamulaya amniga xarunta baarlamaanka, markii ay habeenimadii Arbacada ka saareen maleyshiyaad daacad u ah Dhooba Daareed.

Sidda uu sheegay taliska booliska, ciidamada difaaca Puntland ayaa damacsanaa in ay indho-indheeyaan xaaladda balse xoogaga Dhooba Daareed waxay bilaabeen xabada oo sababtay dhimasho.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux – laba askari iyo ruux shacab ah – ayaa ku naf-waayey tacshiiradda "oo muddo kooban socotay".

Xaaladda magaala madaxda dowladda Puntland ayaa haatan ah mid xasiloon, waxaana ammaanka xarunta baarlamaanka oo Xildhibaanadda kusii qulqulayaan sugaya ciidamadda ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM