Mucaaradka oo dalbaday in fursad la siiyo dadaalada Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Dallada Mucaaradka ayaa ku baaqday in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeedii.

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaradka Puntland ayaa soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso tallaabadii uu qaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo shalay magacaabay guddi heer wasiir ah oo dhexdhexaadinaya maamulka talada haya iyo mucaaradka.

Balse mucaaridka ayaa lahaa aragti taa ka duwan oo xal nabadeed loogu heli karo qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka taagan, iyagoo ku soo jeediyay bayaanka in fursad la siiyo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo.

”Dalladdu waxay soo jeedinaysa in fursad la siiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin isimmada SSC-Khaatumo, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Qurbo-joogta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu sheegay.

Xeeldheerayaasha u dhuun daloola siyaasadda Puntland ayaa ku tilmaamay jawaabta mucaaradku inay tahay diidmo ka dhan ah baaqii aan daacadda ahayn ee Dani, sida ay ku sifeeyeen Mucaaradku.

Mucaaradku waxa ay sidoo kale ku baaqeen in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, iyaga oo ugu baaqay shacabka iyo dhinacyada ay khusayso inay u diyaar garoobaan.

Bayaanka oo dhinacyo badan taabtay ayaa u dhignaa sidan:

قد تكون صورة ‏نص‏

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM