Mudaharaad Gadiidleyda Gawaarida oo ka dhacey magaalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

Garowe, Dec 5, 2014 [GO]- Banaan-baxaan ayaa waxaa sameeyay milkiilayaasha Gaadiidleyda Gawaarida yar-yar iyo Darewalooda ee ku dhaqan deegaanada Puntland kaasoo  ay kaga cabanayeen lacago sharci darro ah oo ay ka qaadaan qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda iyo nidaam cusub oo la sheegeen  in lagu soo rogey.

Gudiga Israac oo ay ku midoobeen milkiilayaasha Gaadiidka yar-yar ayaa dulleedka Koonfureed ee magaalo madaxda Puntland Garowe ku qabtey mudaharadkaan.

Cabashadan ayaa waxay salka ku heysa dhibaatooyin ay gudiga Gadiidleyda sheegeen in ay ku qabaan lacag macaash ah oo dowlada ka qaado.

Afhayeenka Gudiga Gaadiidleyda yar-yar Israac ee Puntland Jaamac Cali Nuur (Giribaa) oo warbaahinta kula hadlay goobta ay isugu yimaadeeen waxaa uu sheegay in cabashadan tahay mid muddo soo jiitamaysay oo xitaa gaartey Madaxweynaha Puntland , kuwaasi oo aan muujin wax garoowshiyo ah.

Giribaa ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan lacag ay ugu yeereen macaash taaso ah inay Boqolkiiba Afar ay bixiyaan marka ay kireysanayaan baabuurtooda, taasi oo ka baxsan canshuurta caadiga ah ee laga qaado , taasi oo uu tilmaamay inaysan awood u lahayn bixinteeda, maadaama ay biilaan caruuro iyo qoysas kala duwan .

"Hay'addihii waxay ka imaan dibadda , waxay la bahoobayaan mid ka mid ah Wasaaradaha Dowladda , waxaa la su'aalayaa gawaaridii ay kireysan lahaayeen , hadii saddex gaari ay u baahdaan Wasiirka Wasaarada ayaa la shiraya waxaa uu u sheegayaa inuu u magac bixinayo Gawaaridii ay kireysan lahaayeen , isagoo oranaya waxaan u qaybinaynaa gawaarida la kireynayo gawaarida Wasiiradda iyo Xildhibaanada si aysan buuq u firin, taasi waan u adkeysan weynay".sidaasi waxa yiri afhayeenka Gaadiidleyda yar-yar ee Puntland Giribaa.

Gaadiidleydan sidoo kale waxay sheegeen inay jiraan dad ay u xilsaareen wax ka qabashada cabashooyinkooda kuwaasi oo sameystay waxay ugu yeereen xafiisyo sharci darro ah kuwaasi oo soo rogey lacago kale oo ay ugu yeereen Macaash.

Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa dhowaan siisey shirkad si gaar u leeyihiin ganacsato wadanka dibadiisa ka timid iney cashuurta ka qaado gadiidka oo la yiraahdo "Cloudio".

Shirkadaan ayaa qaadaneysa Cashuurta kasoo xeroota Gadiidkaan 70% halka dowlada loo xereynayo 30% taasoo muran ka bauurtey dhowaan Wasaaradaha lacagtaan u xeroota iyo Barlamanka Puntland.

Barlamanka Puntland ayaa Wasaarada Gadiidka iyo Maaliyada weydiiyey sababta shirkadahan sida gaarka loo leeyahay u qaadaneyso boqolkiiba Todobaatan halka dowladu qaadeynso 30% kaliya.

Dhinaca kale Gadiidleyda ka kireysata Gawaarida hay'adaha Ajnibiga ah ayaa xukuumada Cabdiweli Cali Gaas ku soo rogtey cashuur laga qaado kirada ay qaataan Milkilayaasha Gadiidleydaan.

Si kastaba ha ahaateen cabashada Darawaliinta iyo Gaadiidley ka shaqeeya Puntland ayaa imaanaya xilli mushahar la'aan ba'an ka cabanayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowlada iyo ciidamada Puntland kuwaasoo qaarkood gadood sameeyeen.

Halkan ka dhageyso warsaxafdeedka afhayeen Gadiidleydaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM