Mudanayaasha Baaralmanka oo fashiliyay Damaca Muddo kororsiga ee Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa dib u dhacay ilaa maalina Axad ah, ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhex galay xubnaha Golaha, kaasoo ku saabsan ansixinta Xeerka doorashooyinka ee muranka ka taagan yahay.

Muran & gacan ka hadal ayaa ka dhashay khilaafkan sii xoogeystay, iyadoo Guddoonka baarlamaanka oo u janjeera dhinaca muddo kordhinta uu kala diray guddiga u qaabilsanaa doorashada qof iyo cod, kadib markii ay codsadeen in dib loo dhigo kalfadhiga.

Guddigan oo ka kooban 11 xildhibaan oo qabtay Shir jaraa’id ayaa ku sheegay:

“Guddiga waxa uu Golaha Wakiilada u soo jeedinaya in Xeerka la hakiyo lagana sii shaqeeyo inta laga xallinayo xaaladaha nabadgeliyo ee taagan.”

Haweenka Puntland ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaatay joojinta kalfadhigan oo lagu waday in lagu meelmariyo xeerka doorashada lagu muransan yahay, ka dib markii shalay ay bannaanbax ka dhigeen afaafka hore ee xarunta Golaha Wakiilada.

Waxaa la rumeysan yahay in ansixinta Xeerkaas uu khatar ku noqon lahaa amniga Puntland iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira, iyada oo ay dariiqa u fureyso muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM