Muran ka dhextaagan maamulka gobolka Nugaal

Image

GAROWE Jan 29, 2015 [GO]- Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cabdinaasir Xaaji Maxamed  oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta gobolka Nugaal ayaa shaaciyey in khilaafaad soo kala dhexgaley maamulka.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbe ayaa xilka uga tagey ku-xigeenkiisa Labaad kadib markii uu safar dibada ugu ambabaxey taasoo Cabdinaasir Xaaji Maxamad ku tilmaamey talaabo aan sharciga wafaqsaneyn.

Cabdiqani Xaashi Buumbe '' Gudoomiyaha gobolka Nugaal'  oo ku sugan wadanka Sweden ayaa warsidaha Radio Garowe fursad u heley inuu wax ka waydiiyo jahawareerka ka tagaan cidda uu xilka uga tagey isagoo xusey in isagu awood u leeyahay in mas'uulka uu rabo ugaga tagi karo shaqada si KMG.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo xilkaan u magacaabey madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa shaqada la qabta gudoomiye ku-xigeen Kowaad iyo Labaad. 

Ku simaha gudoomiyaha gobolka Nugaal oo wax laga weydiiyey amni darada bilihii ugu dambeeyey ka soo korortey magaalo madaxda Puntland ee Garowe kadib markii dad ku labisan dharka Askarta dhac u gaysteen shacabka ayaa sheegey in dadweynaha soo gaarsiiyaan cabshadaan hay'adaha ku shaqo leh.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha Nugaal iyo ku-xigeenka 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM