​Muran wali ka dhex-taagan golaha deegaanka Godob-jiiraan

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa wali jira khilaaf ka dhex aloosan golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugal kaasoo ka dhashay mooshin ay soo gudbiyeen 14 kamid ah golaha deegaanka kuwaasoo dhaliilay shaqada Guddoomiyahooda Yusuf Geesa-weyne.

Arrintan oo taagnayd tan iyo Asbuucii hore ayaa waxaa soo dhexgalay maamulka Gobolka Nugal kuwaasoo soo saaray waraaq lagu farayo golaha in shaqada uu sii wado Guddoomiyaha mooshinka laga keenay tan iyo inta arrintaasi soo dhexgalayso dowladda, waxaana loogu baaqay inay xaaladda dajiyaan.

Maamulka ayaa talo soo jeedintaasi u cuskaday aragtiyo kala duwan oo ay weydiiyeen waxgaradka iyo bulshada degmadaasi sida uu Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugal Qaasim Maxamed Cabdi ku caddeeyay waraaq kasoo baxday xafiiskiisa.

Balse, waxaa arrintaasi ka hor yimi golaha deegaanka gaar ahaan xubnaha eedaha soo jeediyay, waxayna xuseen in maamulku ku tumanayo sharciga dowladdaha hoose u yaalla, waxayna taa badalkeeda ku baaqeen in xilka loo dhiibo ku-xigeenkiisa.

Golaha ayaa sidoo kale go'aanka maamulka Nugal u cuskaday mooshinkooda ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin islamarkaana aragtida laga qaaday dadka la afduubay sida ay hadalka u dhigeen.

Waa mooshin labaad oo kasoo baxay degmooyin ku yaalla gobolka Nugal, waxaana horay sidaan oo kale 10 mudane mooshin uga keeneen duqa  degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dowladda ugu xilsaaran arrimaha la xiriira golayaasha deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM