Mursal oo ka qeybgalaya dabaaldega maalinta aas-aaska Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu soo dhaweeyay Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale ayaa waxaa qaabilay gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland, Cabdixakiin Dhooba Daareed.

Dhooba Daareed oo wariyeyaasha la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Mursal uu ka qeybgeli doono munaasabadda maalinta aas-aaska Puntland ee 1-da August.

Dhankiisa, Mursal oo farxad ka muujiyey tagitaanka Garowe ayaa shaaciyey in ay sharaf u tahay, isaga oo ay u tahay markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay.

Munaasabadda 1-da Augusta oo qaban-qaabadeeda ay meel sarre mareyso ayaa waxaa la qeybgeli doono marti sharaf kala duwan oo ay ajaaniib kamid tahay.

Amniga ayaa sarre loo qaadey, iyadda oo ciidamadda la geliyay heegan sarre si ay u xaqiijiyaan nabad-gelyadda magaalooyinka waaweyn inta lagu guda jiro dabaaldega.

Puntland oo u dabaaldegeysa sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay maalintii dhidhibadda loo taagey, 1998-dii, ayaa ah maamulka ugu da'da kuwa waddanka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM