Musharax isu soo taagay qabashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Image

03 November, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay jagada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ka dib shir jara’id oo ku qabtay gurigiisa magalada Garowe.

Dhoobo-daareed ayaa sheegay in booskaasi ka soo bixi karo isla markaana uu leeyahay karti lagu hogaamin karo hawlaha Barlamanka mudada ka hartay waqtigooda.

Waxaa uu bulshada ka codsaday inay soo dhaweeyaan iclaaminta musharaxnimadiisa, wuxuna alle ka baryay inuu ku guuleeyo haddii khayr ugu jiro.

Maaha markii ugu horaysay oo xildhibaankan isu taago booskan, balse waxaa goluhu waqtigaasi doorteen Siciid Xasan Shire oo dhawaan iscasilay.

Barlamanka Puntland ayaa manta ku dhawaaqay guddi ka kooban shan xubnood kuwaasi oo maamuli doona doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland, barri ayaana la filayaa inay ku shaaciyaan waqtiga doorashadu dhici doonto.

Waa musharaxii labaad ee iclaamiya inuu doonayo booska gudoomiyaha Barlamanka, balse hadal haynta ugu badan ee Garowe ayaa dadku saadaalinayaan labada mudane ee kala ah; Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed iyo Axmed Cali Xaashi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM