Musharax isu soo taagay qabashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Image

03 November, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay jagada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ka dib shir jara’id oo ku qabtay gurigiisa magalada Garowe.

Dhoobo-daareed ayaa sheegay in booskaasi ka soo bixi karo isla markaana uu leeyahay karti lagu hogaamin karo hawlaha Barlamanka mudada ka hartay waqtigooda.

Waxaa uu bulshada ka codsaday inay soo dhaweeyaan iclaaminta musharaxnimadiisa, wuxuna alle ka baryay inuu ku guuleeyo haddii khayr ugu jiro.

Maaha markii ugu horaysay oo xildhibaankan isu taago booskan, balse waxaa goluhu waqtigaasi doorteen Siciid Xasan Shire oo dhawaan iscasilay.

Barlamanka Puntland ayaa manta ku dhawaaqay guddi ka kooban shan xubnood kuwaasi oo maamuli doona doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland, barri ayaana la filayaa inay ku shaaciyaan waqtiga doorashadu dhici doonto.

Waa musharaxii labaad ee iclaamiya inuu doonayo booska gudoomiyaha Barlamanka, balse hadal haynta ugu badan ee Garowe ayaa dadku saadaalinayaan labada mudane ee kala ah; Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo-daareed iyo Axmed Cali Xaashi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM