Musharax Madaxweyne oo Saciid Deni ku tilmaamay “Xayle Salaase”

Image

GAROWE, Soomaaliya - Musharaxa Madaxtinimada ee Puntland 2024 General Asad Diyaano ayaa si kulul uga jawaabay khudbadii uu shalay jeediyay Madaxweyne Saciid Deni, taasi oo uu ku sheegay in dalka uusan ku jirin marxalad kala guur ah.

Asad Diyaanu waxa uu sheegay in ficilada Deni ay la mid tahay kuwii kaligii-taliyihii Itoobiya Xayle Salaase.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka mucaaradku laga gollahaa in lagu darso tillaabooyin dhab ah oo wax looga qabanayo falalkan gurracan ee uu ku kacayo madaxweynaha.

“Cid kasta oo ku xadgubta sharciga gacanta aa lagu soo dhigi doona, Puntland qof naga xigo malahan” ayuu yiri Generalka.

Mucaaradka ayaa soo saaray bayaan ay kaga jawaabayaan hadallo kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee Siciid Deni oo ku saabsanaa doorashada iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM